Xasan Shiikh: Madaxweyne Farmaajo 4 sano wax kuma darsan karo! – Video

Published: October 12, 2019

Madaxweynihii hore ee Dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kamid ahaa madaxdii khudbadaha ka jeediyey xafladii caleemo-saarka Madaxweynaha Jubaland ayaa si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee jira, isagoo baaq u diray Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo uu ugu baaqay inuu wakhtiga u haray uga faaÔÇÖiideysto inuu wadahadal la galo dadka ay iska soo horjeedaan.

Waxaan leenahay Madaxweyne Caqliga hasoo noqdo, dadka horey ayey kuula soo shaqeeyeen, weli talo iyo raayi ayaan qabnaa, wakhtiga kuu haray uga faaiideyso inaad dadka la hadasho oo ummada la fadhiisato ayuu yiri Xasan Shiikh oo sheegay in dalka lagu wadi karo wadatashi.

Xasan Shiikh ayaa sheegay inaysan marnaba dhici doonin in wakhti dheeraad ah xukuumada ku darsato.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed oo uu sheegay illaa iyo hada dadkii lagu dilay inaan la xalin.

Xaalada Galmudug ayuu sheegay in ay hada ku sugan tahay meel adag, wuxuuna sheegay in Guddiga Dowlada Federaalka sameysay uu yahay mid si khaldan loo dhisay oo ay ku jiraan xubno kamid ah shaqaalaha Xukuumada Federaalka taasi oo ka horimaaneysa Dastuurka dalka.

Dowlada Federaalka Meesha ugu hooseysa oo Sharciga ah ayey ku tumaneysaa, war ka joog baanu leenahay. Ayuu yiri Xasan Shiikh

Dhinaca kale wuxuu Xasan Shiikh si adag uga hadlay arimaha Dhaqaalaha maqan oo uu dhawaan shaaciyey hanti-dhawrka Qaranka, isagoo sheegay in laga xisaabtami doono xoolaha maqan.

Xaalada Muqdisho oo uu ka hadlay ayuu sheegay in Dowlada Federaalka wax ka bedasho xaalada Caasimada iyo wadooyinka xiran.

Awal Dhagaxaan baa wadooyinka ku xirnaa hada laakiin waxaaba la keenay Ganjeelo in wadada lagu xiro, dadka sida halaga daayo ayuu yiri Madaxweynihii hore

Wuxuu sidoo kale amaanay qaabka ay u dhacday Doorashadii Jubaland oo uu sheegay inay u dhacday sidii ugu macquulsaneyd oo loo sameyn karay, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Axmed Madoobe inuu sii wado xalinta khilaafaadka ka dhashay doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *