Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray Puntland

Published: October 13, 2019

Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Somaliland ayaa Maanta kusoo biiray Puntland, Ciidankaan ayaa fadhigoodu ahaa Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka Ceel-buh, Ciidamaddaan ayaa horay uga tirsanaa guutada 93aad ee Somaliland.

Maamulka Gobolka Sanaag, Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland ee Gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweeyay Ciidamadaan oo uu hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.

Dhankooda Ciidamada Soo goostay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Bulshadooda, diyaarna ay u yihiin in ay qayb ka noqdaan Ciidamada difaaca Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *