Sheekh Shariif oo Dalbaday in Laga Talo Galiyo Ururada Siyaasadda Hannaanka Doorashada 2021-ka

Published: October 16, 2019

Madaxweynihii hore ee Somaliya sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa ka hadlay habka lagu gali doono doorashada federaalka 2021-ka hadii ay suurtagal noqon waydo habka Qof iyo Cod.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay kulan ay xalay magaalada Kismaayo ku qabteen xubnaha Xisbigiisa Himilo Qaran, waxaa uu sheegay in dalka ay doorashooyin hore uga qabsoomeen iyadoo xaaladu ay ka adkayd sida ay hadda tahay.

Wuxuu Soo jeediyay in wadatashi saddex geesood ah lagaga arrinsado habka lagu galayo doorashada soo socota ee 2021ka.

” Waxaanu doonaynaa in lagawada tashado oo inta ay wada fariistaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Xisbiyada nidaamka doorashadu noqon karto oo macquulka ah in la Isla meeldhigo oo doorashada lagu galo” Sidaas waxaa yiri Sheekh shariif.

” Ma doonayno in dowladu keento cudur daar oo ah doorashadii waa la qaban waayay, MAYA, duruuftaas mid ka adag ayaa doorasho lagu soo qabtay, waa in wax cad oo doorasho lagu gali karo oo aysan noqon doorasho cid faraqa ugu jirta” ayuu sii raaciay

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre ayaa soo diyaarisay xeerka doorashadda Federaalka, taasi oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada Dalka, Welina ma cada habka lagu gali doono doorashada barlamaanka iyo Madaxweynaha ee 2021ka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *