Wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo Muqdisho Yimid

Published: October 16, 2019

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudae; Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyaydhiggiisa Dalka Jabuuti, Mudane; Ridwaan C/llaahi Bahdoon.

Wasiiir warfaafinta iyo isgaadhsiinta ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray Dalkeenna ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay.

Labada Wasiir ayaa kawada hadli doona iskaashiga Walaaltimo iyo wax wada qabsi ee warbaahinta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *