Afghanistan: 62 qof oo ku dhimatay Qaraxyo lalal beegsaday Masaajid

Published: October 19, 2019

Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhimatay qaraxyo Salaadii Jimcihii shalay lala beegsaday Masaajid ku yaal gobalka Nangarhar, tirada dhaawaca ayaa ka badan 100 qof, weerarkan oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan ka dhacay dalkaasi.

Weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyey Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, walow aan la aqoon illaa iyo hada cida ka danbeysa, kooxda Talibanka ee dalkaasi ka dagaalama ayaa sheegtay inaysan iyadu wax lug ah ku lahayn weerarkan.

Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay in qaraxyadan loo adeegsaday bambaanooyin lagusii xiray masaajidka gudihiisa, halka Talibanka ay sheegeen in weerarkan uu ahaa mid madaafiic hoobiye loo adeegsaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *