Ajandaha kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka

Published: October 19, 2019
Xildhibaanada baarlamaanka

Xildhibaanada golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta oo Sabti ah isugu imaanaya kalfadhigoodi lixaad. Kalfadhiga ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Xarunta Villa Baydhabo oo hoy u ahayd guddoomiyaha Golaha shacabka, waxaa dib u dhis iyo dayactir lagu samaynayaa xarunta Baarlamaanka.

Kalfadhiga ayaa si rasmi ah u furmay 9 Oktoobar, waxaana horyaala in baarlamaanku ka doodo meel mariyo ama diido hindise sharciyeedyo xukuumaddu u soo gudbisey, taas oo ugu weyn yahay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka.

Baarlamaanka ayaa kalfadhigii hore guddi u saarey Hindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya, guddigaas oo gaaraya 15 Xildhibaan ayaa booqasho ku tegey gobolada dalka, waxaana lagu wadaa in talo bixintooda ay Baarlamaanka u jeediyaan.

Hindishe sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhaliyey muran badan, waxaana diidey qaar kamid ah Dowlad goboleedyada. Horey ayaa Dowlad goboleedyadu ugu heshiiyeen in nidaamka doorashadu noqoto Metelaada isu dheelitiran (PR) laakiin waxaa Dowlad goboleedyadu sheegeen in si guud la isugu raacay ee qaabka ay noqoneyso aan laga wada tashan. Doorashooda Soomaaliya waxa ka dhiman 13 bilood oo keliya mana muuqato in nidaamka la isku raacay doorasho ku dhici karto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *