Al-Shabab oo dagaalyahano looga dilay Hiiraan

Published: October 19, 2019

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka dowlada Federaalka ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen ugu yaraan 20 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Md.Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay kooxdan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo saarnaa gaari bas ah.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay ka soo furteen 18 qori iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhawaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *