Askar loo xiray dilkii Taliyihii ciidamada Gorgor

Published: October 19, 2019

Booliiska Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la xiray dhamaan askartii ku sugnaa goobtii lagu dilay Taliyihii ciidamada Militariga ee Turkiga tababaray Maxamed Saleebaan.

Kooxdan askarta ah ee la xiray ayaa illaalo ka hayey  bar lagu baaro gaadiidka oo ku taal nawaaxiga Hotel Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho, waxaana askartan lagu eedeeyyey inay iyagu yihiin kuwii dilka geystay.

Taliyaha la dilay ayaa hogaamin jiray ciidamada loo yaqaan Gorgor oo ay tababartay dowlada Turkiga, kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobalka Shabeelada Hoose oo looga saaray xoogaga Al Shabaab oo halkaasi ku sugnaan jiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *