Erdogan oo markale ugu baaqay Kurdida inay isaga baxaan dhulka lagu dagaalamay

Published: October 19, 2019

Xabad joojinta dhaqan gashay Jimcihii shalay ayaa lagu wadaa in ay dhamaato Salaasada soo socota, iyadoo Madaxweyne Erdogan sheegay in ciidamadiisa hawlgalka dib u bilaabi doonaan hadii xoogaga Kurdida ee loo yaqaan SDF aysan isaga bixin magaalooyinka saaran xaduuda Siiriya iyo Turkiga.

Heshiiskan xabad joojinta ah ayaa laga soo saaray kulan Khamiistii ay magaalada Ankara ku yeesheen Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo wafdi ka socda Maraykanka oo ay hogaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Pence iyo xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo.

Vice President Mike Pence meets with Turkish President Recep Tayyip Erdogan at the Presidential Palace for talks on the Kurds and Syria, Thursday, Oct. 17, 2019, in Ankara, Turkey. (AP Photo/Jacquelyn Martin)

Xabad joojintan oo la sheegay inay socon doonto 120 saacadood ayaa ku eg habeenimada Arbacada soo galeyso, waxayna Turkida doonayana in dhamaan xoogaga Kurdida ee SDF/YPG ay isaga baxaan dhul dhererkiisa yahay in ka badan 400km oo saaran xadka isla markaana gudaha dhulka Siiriya in ka badan 30km ay dib uga durkaan xadka Turkiga.

Dhulkaasi ayuu Turkiga sheegay inay ka sameenayaan goob ciidamada ka caagan oo ay doonayaan inay dajiyaan qaxootiga reer Siiriya ee hada ku sugan Turkiga oo ka badan 3.5 milyan oo qof.

Dhinaca Kurida ayaa sheegay inaysan ka bixi doonin dhulka ay Turkida sheeganayaan balse ay ciidamadooda kala bixi doonaan dhulka xadka saaran illaa 12km oo kaliya.

Hawlgalka Turkiga ayaa bilowday todobaadkii hore kadib markii Maraykanka ciidamadiisa uu kala baxay dhulkaasi, go’aankaasi oo si weyn loogu cambaareeyey Donald Trump, taasi oo ku khasabtay inuu wafdi balaaran u diro Turkiga si arrintan xal looga gaaro.

Hase yeeshee dadka la socda siyaasada xoogaga Kurdida ayaa sheegaya in aysan macquul ahayn in ay ka baxaan dhulka Turkiga doonayo oo ah kalabar dhulka ay Kurdida maamuli jireen, waxaa sidoo kale heshiiskan xabad joojinta ah aan qeyb ka ahayn Dowlada Bashar Al Assad iyo Ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya.

Tayyib Erdogan ayaa lagu wadaa inuu dalka Ruushka u dhoofo halkaasi oo uu kulan kula leeyahay Madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Siiriya, shirkaasi oo si gaar ah isha loogu hayo maadaama Ruushka uu hada noqday awooda dhex dhexaadineysa dhinacyada isku haya wadanka Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *