Xeer Ilaaliyaha Puntland oo ka hadlay Xarigga Weriye Tallman.

Published: October 19, 2019

Maxamuud Xasan Aw-Cismaan Xeer ilaaliyaha guud ee dawlada Puntland ayaa maanta ka hadlay xarigga Weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman kaas oo dhawaan ciidamada Puntland ay ka xireen Magaalada Garoowe, Weriye Tallman Agaasimihii hore ee idaacada Daljir ayaa loo gudbiyay xabsigga dhexe ee Magaalada garoowe.


Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in ay soo gabagabawday dacwad loo haystay oo la xiriirta Denbiyo uu ka galay Laamaha Amaanka, xeer ilalaiyuhuu wuxuu sheegay in weriye Tallman uu si cad sharciga ugu xad-gudbay.
Horay waxaa uu jiray kiis u dhaxeeyay idaacada Daljir oo uu agaasime ka ahaa Axmed Sheikh Tallman iyo Hoggaanka taliska ciidamada Booliska, dacwadaas oo la xiriirtay eedaymo loo jeediyay Taliyaha Ciidamada ayaa muddo soo jiitamaysay, Xeer ilaaliyaha Puntland ayaa sheegay in guddigga baaritaanka gacanta ku hayay ay codsadeen in lasoo xirro weriye Tallman, Maalinka isniinta ayaa Maxkamada lasoo taagi doonaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *