Lebanon: Kacdoonka ka dhashay Canshuurta Whatsapp oo galay maalintii 4aad

Published: October 20, 2019

Shacabka dalka Lubnaan ayaa maanta oo Axad ah markale isugu soo baxay banaanbax balaaran oo ay uga soo horjeedaan xukuumada talada heysa iyo xaalada dhaqaalaha dalkaasi.

Mudaharaadyadan socda illaa Khamiistii lasoo dhaafay ayaa markii hore ka bilowday gadood ay shacabka ka sameeyeen canshuur cusub oo ay xukuumada dul dhigtay Telefonada la iska waco aallada Whatsapp oo ay shacabka dalkaasi si weyn u isticmaalaan oo lagu soo rogay 0.2% canshuur ah.

Hase yeeshee banaanbaxyada oo ay dad ku dhinteen ayaa markii danbe isugu rogay kacdoon ka dhan ah xisbiyada dalkaasi ka taliya, iyagoo shacabka ku tilmaameen dowlada guud ahaan mid fashilantay.

Kacdoonkan ayaa u muuqda mid aysan soo abaabulin koox gaar ah balse ka bilowday cabashada dhaqaale ee shacabka dabada-hoose iyo dhexe oo si weyn u dhaliilaya siyaasiyiinta wadankaasi oo hada deynmaha lagu leeyahay ay caga-cageenayaan 86 Bilyan oo dollar.

Raysalwasaare Saad Harir iyo Wasiirkiisa Maaliyada ayaa sheegay in la joojiyey canshuurta lasoo rogi lahaa, hase yeeshee arrintan weli shacabka kumaysan qancin.

Waxaa sidoo kale digniin soo saaray Sabtidii Hogaamiyaha ururka shiicada ah ee xisbullah oo hada awood badan kuleh Xukuumada, isagoo shacabka ugu baaqay inay joojiyaan xiisadan, walow baaqan uu si weyn uga sii careysiiyey dadka banaanbaxa wada oo ku tilmaamay hogaamiyayaasha siyaasada dalkaasi kuwo nolol raaxoleh ku nool halka ay nolosha shacabka ay tahay mid aad u liidata.

Sabtidii shalay ayey xilalka iska casileen 4 wasiir oo kamid ah xukuumada gaar ahaan Xisbiga Difaaca Lubnaan kuwaasi oo sheegay inaysan kalsooni ku qabin xukuumada ay ka tirsanaayeen, balse iscasilaadan ayaan waxna ka bedalin banaanbaxyada oo weli sii socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *