Puntland oo joojisay in Xildhibaanada Federaalku xafiisyo ka furtaan deegaanadooda

Published: October 20, 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee Puntland Maxamed Dhabancad
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee Puntland Maxamed Dhabancad

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Puntland ayaa lagu joojiyey in Xildhibaanada Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalku aysan wax xafiis siyaasadeed ah ka furan karin gudaha Puntland.

Warqadda ka soo baxdey xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad ayaa lagu sheegay in Puntland ka warqabto dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Xildhibaanadu wadaan ayna ku furanayaan xafiisyo loogu magac daray #Xiriirka Bulshada iyo Xildhibaanada”.

Sababta joojinta ayaa lagu sheegay in aan wax wadatashi ah laga gelin Puntland. Qoraalka ayaa tilmaamey in xafiiskaani yahay mid olole doorasho sidaas darteedna aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaarey hanaanka doorashada soo socota.

Ugu danbeyntii qoraalka ka soo baxay Wasiir DHABANCAD ayaa amar lagu siiyey guddoomiyaasha gobolada iyo degmooyinku in ay lababaabada u xidhaan xafiisyada Xildhibaanadu furanayaan.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Xildhibaan Jamaal Maxamed Xassan oo ka soo jeeda degmada Dhahar uu xafiis ka furtey degmadaas kaas oo loogu magacdaray Xafiiska Adeega & Xiriirka Bulshada.

Inkasta oo Xildhibaanadu metalaan beelo oo aysan ku mtelin nidaam xisbiyo ayaa lagu dhaliilaa in aysan dib ugu soo noqon bulshadooda isla markaana wax ka geysan baahida jirta, laakiin Puntland ayaa arrintan u aragta mid siyaasadeysan xiligan oo doorashooyinkii soo dhaw yihiin.

Xildhibaano badan ayaa xafiisyo kuleh deegaanada ay ka soo jeedaan, waxaana kamid ah Xildhibaan Saadiq Warfaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *