Sarkaal la shaqeynayay AFRICOM oo lagu dilay Muqdisho

Published: October 20, 2019
Magaalada Muqdisho

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray.

Dilkaan ayaa ka dhacay xaafada seybiyaano degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjooogayaal, dhalinyaro bastooladdao ku hubeysneyd ayaa fuliyay dilka waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay,waxayna horey usii qaataan Bastooladd uu watay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Muuse Abuukar Max’med Nuuroow wuxuuna kamid ahaa ciidamada AFRICOM uqaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalka.

“Shabaab  ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo katirsanaa Ciidamadda  Bangarafaata wuxuu cadowga kusoo hogaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *