Yuusuf Garaad oo walaac ka muujiyay xilliga loo qabtay kiiska badda!

Published: October 20, 2019
Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay qaabka ay u aqbashay in dib loo dhigo waqtiga dhageysiga dacwadda badda.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga guuleystay labada jeer ee Kenya dalbatay in dib loo dhigo kiiska badda.

“Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhageysiga dib loo dhigo, waase looga guuleystay,ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, sida ay ballanta dhexdeenu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ,u heellanaanta dacwadda iyo madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *