Jubaland oo ka hadashay dilka Ganacsade Saciid Adoon.

Published: October 21, 2019

Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheer Saciid Adoon kana mid ahaa Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray toogasho ay u gaysteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda aan la garanayn, Dilka marxuumka ayaa dad badani ay ka tacsiyeyeen.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo dhagarqabeyaashii ka dambeeyey dilka.Bishan October 3-deedii ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar uu u geeriyooday dhaawac bishii hore ee September loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *