Kooxo hubeysan oo nabadoono ku dilay Afgooye iyo Kismaayo

Published: October 21, 2019
Nabadoon Ibrahim Maxamed Ibrahim iyo Nabadoon Siciid Ciise Cabdi

Dilalka ka kala dhacay labada magaalo ee Afgooye iyo Kismaayo ee lagu bartilmaamsaday nabadoonada deegaankaasi laga yaqaan ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysan bistoolado oo aan weli lasoo qaban.

Nabadoonka lagu dilay magaalada Afgooye ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Ibraahim, wuxuuna nabadoonka ka mid ahaa xubnihii soo doortay Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed.

Weerar kale oo isla xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland ayaa lagu dilay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi, kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay ku sugayeen nabadoonka goob aan ka fogeyn masaajidkii uu salaada Cishe ku tukaday.

Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeenka Amniga ee Jubaland oo dilkan ka hadlay ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanka iyo baadigoobka kooxda dilkan geysatay.

Dilalkan ayaa kusoo beegmay xili ay kooxda AL Shabaab dhawaan ay hanjabaad u dirtay nabadoonada iyo issimada soo doorta xildhibaanada ka tirsan maamulada dalka ka jira, kooxdaasi oo horey dilal qorsheysan ulla beegsatay nabadoono aan hubeyneyn, walow ay  kooxdaasi aysan weli wax war ah kasoo saarin dilalkii xalay ka dhacay gobalada Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *