CANADA: Justin Trudeau oo markale ku guuleystay Doorashada

Published: October 22, 2019

Raysalwasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa ayaa ku guuleystay doorashada guud ee dalkaasi, balse xisbi xaakimka Liberalka ayaa dhumiyey aqlabiyadii uu ku lahaa Baarlamaanka.

Maadaama Trudeau uusan hada heysan aqlabiyada Baarlamaanka ayuu ku khasbanaan doonaa inuu taageero ka raadsado xisbiyada kale ee awooda kuleh Golaha Wakiilada. Waxaana la saadaalinayaa in tani ay keeni doonto in labo sano kadib markale la qabto doorasho cusub.

Waxaa weli socota tirinta cododka waxaase la saadaalinayaa in xisbiga Trudeau uu heli doono 156 kursi, codka aqlabiyada ayaa ah 170 maadaama uu Baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay 338 Xildhibaan.

Justin Trudeau ayaa kahor inta aysan codbixinta dhicin ay lasoo gudboonaadeen cadaadis xoogleh iyo fadeexado la xariira sawiro la faafiyey oo muujinayey isagoo wajiga marsaday ranji madaw iskana dhigaya qof madow, arrintaasi oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan astaan cunsurinimo, balse Trudeau oo isagu ah nin taageero badan ka heysta dadka laga tiro badan yahay ayaa iska difaacay eedeynmahaasi, hase yeeshee waxaa dhaawaca ugu weyn u geystay iyadoo uusan kasoo bixin in badan oo kamid ah balanqaadyadii uu horey u bixiyey doorashadiisii koowaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *