Ciraaq – Ciidamada Maraykanka ma haystaan fasax joogitaan

Published: October 22, 2019
Saraakiisha ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq

War kasoo baxay militariga Ciraq ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ee ka baxay Syria una tallaabay Ciraq, aysan haystan wax ogolaansho ah carigaas ku joogaan, waxayna tilmaameen in si kumeel-gaar ah ay halkaasi u joogaan.

Militariga Ciraq ayaa beeniyay hadalka Pentagon-ka Mareykanka ee ah ” in ku dhowaadka 1,000 askari ee ka baxay waqooyiga Syria ay degi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagalka ka dhanka ah Daacish.”

” Dhammaan ciidamada Mareykanka ee kasoo baxay Syria, waxaa fasax loo siiyey inay soo galaan gobolka Kurdistan, si ay halkaas ugu nagaadaan inta ay uga sii gudbayaan meel ka baxsan Ciraq. Ma jiro wax fasax ah oo loo siiyey inay si rasmi ah u joogaan Ciraq ”

Militariga Ciraq

Marka laga yimaado war kasoo baxay militariga Ciraq ma jirto wax xaqiiqo ah oo cadaynaya in ciidamada Mareykanka ay Ciraq ka dhigan doonaan saldhig ay ka qaadaan weeraro ka dhan ah kooxda Daacish ee Syria.

Ciidamada Mareykanka ee shalay [ Talaadadii ] gaaray Ciraq, ayaa ku biiraya 5,000 oo askar Mareykan ah oo horey u joogay Ciraq, kuwaasi oo tababara ciidamada Ciraq, kana caawiya in kooxda Daacish aysan dib usoo rogaal celin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *