Garowe – Agaasimihii hore ee Radio Daljir oo xoriyadiisa helay

Published: October 22, 2019
Axmed Sheekh Maxamed Tallman

Agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tallman, ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii , kadib muddo todobaad ku dhow oo uu ku xirnaa magaalada Garowe.

Wariye Tollman oo loo haystay fal-danbiyeedyo la xiriira eedaymo uu u jeediyay taliyaha ciidamada booliiska Puntland Sareeye Guuto Muxiyadiin Axmed Aw-muuse ayaa raali-gelin bixiyay, isagoo sheegay ” dowladdu inay ka gar leedahay.”

Wuxuu sheegay, kadib markii uu la tashaday qareenadiisa inuu go’aansaday in dowladda Puntland ka raali geliyo qaladkaas dhacay.

Axmed oo muqaal soo dhigay baraha bulshada wuxuu sheegay sababtii uu isaga casilayay agaasimihii Daljir inay ahayd saamaynta ka dhalatay wararkii idaacaddu baahisay, wuxuuna tilmaamay ” inuu ahaa agaasime kursiga lagula fadhiyay.”

Raali-galinta iyo siidaynta wariye Axmed Sheekh Maxamed Tallman ayaa timi xilli maalinta beri ah [ Arbaco ] looga balansanaa dhagaysiga dawcadda loo haystay agaasimihii hore ee Radio Daljir [ Tallman ].

https://www.facebook.com/100001807801317/videos/3010656565671241/
Shirka Jiraa’id ee Tollman

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *