Lebanon: Shacabka oo qaadacay codsiga Xukuumada talada heysa

Published: October 22, 2019

Golaha Wasiirada Lubnaan ayaa ansixiyey bedalaad lagu sameeyey sharuuc ay horey usoo saareen oo lagu kordhinayey canshuurta, kadib markii shacabka dalkaasi ay bilaabeen banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumada talada-heysa.

Isniintii shalay oo ahayd maalintii 5aad ee banaanbaxyada socda ayey dhaqan-gashay shaqo-joojin baahsan oo ay shacabka sameeyeen, waxaana lagu wadaa in maanta oo Salaasa ah ay sii xirnaan doonaan xarumaha sida Bangiyada.

Xukuumada ayaa shalay ansixisay qorshe cusub oo ay ku xalineyso hoos u dhaca dhaqaalaha iyadoo culeyska laga qaadayo shacabka, waxaana kamid ahaa qodobada ay ansixiyeen:

1- In kala-bar hoos loo dhigo mushaharka Wasiirada iyo Hogaamiyayaashii hore

2- In la xiro qaar kamid ah xarumaha dowlada oo ay ku jirto Wasaarada Warfaafinta

3- Ansixinta Sharuucda la dagaalanka musuq maasuqa oo hirgalaya dhamaadka sanadka.

4- Sare u qaadida $13.3 milyan ee adeega qoysaska saboolka ah

5- $160 milyan oo dib loogu celiyey khasnada barnaamijka deynsiinta dadka guryaha gadanaya iyo qodobo kale oo badan

Hase yeeshee shacabka ayaa diiday qorshaha cusub ee xukuumada iyagoo sheegay in ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Golaha Wasiirada oo ay doonayaan in dhamaantood is casilaan, awoodana lagu wareejiyo Guddi Garsoorayaal madax-banaan oo xilka siihaya inta ay dhaceyso doorasho guud.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *