Maraykanka oo Soomaaliya ka dalbaday inay ka noqdaan dacwadda badda

Published: October 22, 2019
Safiirka Kyle McCarter

Safiirka dalka Maraykanka u jooga cariga Kenya Kyle McCarter  oo waraysi siiyay wargeyska The Daily Nation ayaa sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka dalbaday in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka bacsan maxkamadda ICJ.

” Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadahadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ”

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter

Kyle McCarter oo aan shaacin xilliga uu tagay Muqdisho ayaa sheegay in ku howlan yihiin loo xalin lahaa muranka badeed ee u dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin safarkan Danjiraha Mareykanka ee Kenya uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo wada hadalka uu sheegay in uu la yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *