Netanyahu oo ku guuleysan waayey inuu soo dhiso Xukuumada cusub

Published: October 22, 2019

Raysalwasaaraha Israeal ayaa markii labaad ku guuleysan waayey inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada, kadib markii uu ku fashilay inuu sameeyo isbaheysi cusub ee xisbiyada kuraasta kuleh Baarlamaanka Israel.

Netanyahu ayaa sidan ugu guuleysan waayey inuu xukuumada soo dhiso doorashadii dhacday bishii April, hase yeeshee diiday inuu fursad siiyo xisbiga labaad ee mucaaridka inay iyagu soo dhisaan xukuumada, wuxuuna ku dhawaaqay doorasho labaad, taasi oo markale keentay in uu ku guuleysan waayo codka aqlabiyada Baarlamaanka.

Benjamin Netanyahu oo u baahnaa taageerada xisbiyada xagjirka ah ee garabka midig ayaa heli waayey codod ku filan ee Baarlamaanka, isagoo  sheegay inuu soo afjaray dadaalkii uu ugu jiray dhismaha xukuumada Isniintii shalay.

Waxaa hada hawsha la wareegi doona hogaamiyaha xisbiga labaad ee Israel oo uu hogaamiyo Benny Gantz oo horey usoo noqday Taliyaha ciidamada Israel, ninkaasi oo  taageero ka helaya xisbiyada garabka bidix ee kasoo horjeeda xukuumada xagjirka ah ee Netanyahu.

Hadii uu Benny Gantz isaguna ku guuleysan waayo inuu soo dhiso isbaheysi xukuumad, waxaa awooda lagu wareejinayaa Baarlamaanka oo iyaga laga codsan doono inay dhexdooda iska soo saaran Raysalwasaare cusub oo soo dhisa xukuumada, taasi hadii iyadana lagu fashilo waxaa khasab noqoneysa in markale dib loogu noqdo codbixin cusub oo noqoneysa doorashadii 3aad oo sanad gudaheed dhacda.

Dhinaca kale Netanyahu oo hada u muuqda inuu dhumiyey awoodiisa ayaa cabsi xoogleh ka qaba Baaritaanka la xariira Musuqmaasuq oo uu wado Xeer-illaaliya oo laga yaabo inuu dacwada kusoo oogo markii uu Netanyahu xilka ka dego.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *