Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Farmaajo iyo safiir Kyle kulmeen

Published: October 23, 2019

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay wararka ku aadan in safiirka Mareykanka ee Kenya uu booqasho ku yimid Muqdisho, islamarkaana uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in uusan jirin kulan dhexmaray safiirka iyo Madaxweynaha.

” Ummadda Soomaaliyeed waxaan war galinaynaa in uusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor “

Safiir Tarsan.

Tarsan wuxuu intaa ku daray in wargayska The Daily Nation ee daabacay warbixintan looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *