Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay $200K oo lagu dhisayo Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso

Published: October 23, 2019

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay naadiyada Bosaso FC iyo Bari FC oo ka dhacday Talaadadii magaalada Bosaso, waxaana goobta ku sugnaa qaar kamid ah golaha wasiirada, maamulka gobolka bari kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ciyaartan ayey ku guuleysatay Kooxda Bosaso FC oo kamid ah naadiyada heerka kowaad ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta Nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland, sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska.

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladdu ugu deeqday lacag dhan ($200,000) labo boqol oo kun oo doolar dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

“ Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego in Dowladda Puntland Diyaar u tahay horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxay halkaan ku ballaan qaadaysaa in ay ugu deeqi doonto garoonkaan dhismihiisa dowladdu waxay bixin-doontaa lacag labo boqol oo kun ah (200,000) waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar, markaas waxaan rajaynanaa in lacagtaas $500,000 shanta boqol oo kun’ka ah ay ka qeyb qaadan doonto horumarka isboortiga waxaan kaloo degmada iyo laamaha amniga faraynaa garonka hortiisa in la baneeyo guryaha sida sharci darada ah ugu dhisan”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada magaalada Boosaaso in kor loo qaado nadaafadda laamaha amnigana gacan lagu siiyo ka shaqaynta amniga loona soo jeensado dhanka horumarka iyo wax ka qabashada kooxaha nabad-diidka ah iyo kuwa ka shaqeeya tahriibka.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *