Turkiga iyo Ruushka oo ku heshiiyey in wakhti lagu daro xabad-joojinta Siiriya

Published: October 23, 2019

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan iyo Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka oo Salaasadii shalay ku kulmay magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa qodobo kasoo saaray wadahadlkoodii la xariiray xaalada dalka Siiriya.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga hadlay hawlgalka Turkiga ka wado Waqooyiga Siiriya iyo xoogaga Kurdida ee halkaasi ka dagaalamaya.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah:

  1. In xabad joojinta lagu daro 150 saac
  2. In kooxaha Kurdida Hubeysan ee YPG ay xiligaasi isaga baxaan dhulka ku dhaw xaduuda dalka Turkiga
  3. In Ciidamada Turkida iyo Ruushka si wadajir ah roondo ugu maraan dhulka xaduuda saaran, isla markaana xaqiijiyaan amniga deegaankaas.
  4. In la soo afjaro hawlgalka Ciidamada Turkida ee ku sugan Siiriya marka ay kooxaha kurdida baneeyaan dhulka ay Turkida codsadeen in laga saaro xoogaga hubeysan oo gudaha ugu jira Siiriya 30km

Madaxweynaha Turkida ayaa sheegay in marka la sugo amniga dhulka xaduuda saaran ay bilaabi doonaan inay deegaankaasi soo dajiyaan Qaxootiga gaaraya in ka badan 3 milyan ee reer Siiriya oo hada ku sugan wadanka Turkiga.

Kooxaha Kurdida qaarkood ayaa weli diidan inay ka baxaan dhulkooda iyagoo sheegay in Turkiga uu doonayo inuu bedalo shacabka ku dhaqan gobaladaasi oo uu qorshahooda yahay inay Kurdida ka suulliyaan dhulkooda waqooyiga Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *