UK: Baarlamaanka oo wareegii 1aad aqbalay heshiiska Brexit balse dib u dhigay Xiliga ka bixitaanka EU

Published: October 23, 2019

Baarlamaanka UK oo xalay  kulan xasaasi ah ka yeeshay heshiiska uu soo diyaariyey Raysalwasaaraha Boris Johnson ee qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub oo xiligeeda loo qabtay 31ka bishan Oktoober ayaa codbixintii koowaad ku ogolaaday in heshiiska UK-EU loo gudbiyo akhrinta labaad, taasi oo guul u ahayd Raysalwasaare Johnson.

Hase yeeshee dabaal-degii Boris Johnson ee guushiisa ayaa dhamaatay kadib markii codbixin labaad oo uu Baarlamaanka u qaaday codsigiisa ah in la dadajiyo ka bixitaanka UK ee EU-da ayey Xildhibaanada cod aqlabiyad ah ku qaadaceen in UK ka baxdo Midowga Yurub xiliga uu doonayo Johnson oo ah 31ka bishan Oktoober.

Boris Johnson oo dib u dhiga Brexit ku tilmaamay mid khaldan oo ay xisbiga Mucaaridka ee Labourka doonayaan inay ku burburiyaan ama mar walba ay dib u dhigaan in dalka UK isaga baxo Midowga Yurub, wuxuuna ku goodiyey hadii Baarlamaanka qorshihiisa Brexit uu dib u dhac joogto ah ku keeno uu ku khasban yahay inuu ku dhawaaqo Doorasho Guud.

Balse waxaan la ogeyn in Boris Johnson uu heli doono codod ku filan in Doorashada uu ku dhawaaqo madaama ay tahay inuu marka hore helo Aqlabiyada Baarlamaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *