Wakiilkii Maraykanka ee Ukraine oo ku markhaati-furay Trump

Published: October 23, 2019

William Taylor oo ah wakiilka Maraykanka u joogay dalka Ukraine ayaa hortagay sadex guddi oo ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka ee hada wada baaritaanka horudhaca ah ee mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweyne Donald Trump oo loo heysto inuu jabiyey sharciga dalkaasi.

Trump ayaa horey ugu amray William Taylor inuusan hortagin guddiyada Golaha Wakiilada ee baaritaanka wada, balse amarkan ayuu diiday Taylor isagoo illaa xalay muddo 10 saac ah warbixin siinayey guddi hoosaadka Baarlamaanka.

Ambassador William Taylor is escorted by U.S. Capitol Police as he arrives to testify before House committees as part of the Democrats’ impeachment investigation of President Donald Trump, at the Capitol in Washington, Tuesday, Oct. 22, 2019. (AP Photo/J. Scott Applewhite)

Wakiilka ayaa ku markhaati-furay Trump inuu ku kacay danbiga lagu heysto oo ah in Mucaawinadii lasiin jiray Ukraine uu ku xiray in Xukuumada Ukraine ay kala shaqeeyaan baaritaan uu rabay in lagu sameeyo Joe Biden Madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo wiilkiisa oo xiriir ganacsi la lahaa shirkad laga leeyahay Ukraine.

Donald Trump ayaa horaantii sanadkan joojiyey mucaawinadii Baarlamaanka Maraykanka ansixiyey in la siiyo Ukraine oo gaareysay $391 milyan oo dollar oo kamid ah caawinaada militari, Trump ayaa lacagta bixinteeda shardi uga dhigay in Ukraine marka hore ay ka caawiso shaqsiyan wuxuu doonayey oo ah qorshe ka dhan ah xisbiga Dimuquraadiga ah ee loolanka kula jira.

Tilaabada Trump ku joojiyey lacagtan iyo codsiga uu hordhigay Ukraine ayaa ah mid jabinaya Dastuurka Maraykanka iyo xeerka awooda Madaxweynaha, waana qodobkan mid ah ku takrifalka awooda oo ay doonayaan xisbi Dimuquraadiga inay xilka uga xayuubiyaan Donald Trump.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *