Madaxweyne Farmaajo iyo Putin oo kulmay

Published: October 24, 2019

Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo qayb ka ah madaxda afrikaanka ee ka qaybgalaya shirka Russia iyo Wadamadda Afrika ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Russia Vladamier Puttin, Shirweynaha ka socda magaalada Sochi ayaa ah mid lagu horumarinayo xiriirka ay Qaaraddu la leedahay Ruushka.

” Innaguna waxa uu inoo yahay madal aynu kusoo bandhigno fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna” ayaa lagu yirri war ay baahisay Villa Somalia, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa dawlada Russia uga mahadceliyay sida madasha loosoo qaban qaabiyay

”Waxaan Madaxweyne Vladamir Putin, dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran iyo martisoorka wanaagsan ee ay noo fidiyeen, anigoo bogaadinaya sida heerka sare ah ee ay usoo qabanqaabiyeen Madasha Sochi.”

Dawlada Russia ayaa sheegtay in ay cafinayso daymaha lagu leeyahay Wadamadda Africa, Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo doceedyo gaar gaar ah la qaato madaxda kale ee Afrika ee kasoo qaybgalaya shirka ka socda Magaalo dalxiiseedka Sochi.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *