Banaan-bax looga cabanayo wadooyinka xiran oo Muqdisho ka socda

Published: October 26, 2019
Banaan-baxayaasha

Magaalad Muqdisho waxa saaka ka bilowday banaan-bax ay dhigayaan bBoqolaal ka mid ah darawalada ku shaqeysta daadiidka dadweynaha ee lagu magacaabo PL-ka ama Baska, waxayna ka cabanayaan wadooyin u xiray dowladda.

Darawalada oo ah kuwo careysan ayaa waxay xireen qaar ka mid wadooyinka magaalada Muqdisho.

Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, Buulo-xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada inay maraan marinadaas.

Dadka banaan-baxa sameeyay ayaa sheegay in dowladda ka rabto canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan soo bandhigista cabashooyinkooda.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *