Ciraaq – 30 ruux oo ku dhintay dibad-baxyo

Published: October 26, 2019

Shacabka Ciraaq

Dibad-baxyo ka dhan ah dowlada ayaa dib uga bilowday magaalada caasimada ah ee Baqdaad iyo guud ahaan dalka Ciraaq.

Dibad-baxyada ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 qof sida aynu ka soo xiganay hay’adda u dooda xuquuqda Aadana ee dalkaas.

Banaan-baxa oo dhacay xoogiisa galinkii danbe ee Jimcaha ayaa ku soo aadaya Sadex Todobaad kadib markii magaalada Baqdaad ay ka bilowdeen dibad-baxyo in ka badan Boqol qof ay ku dhinteen.

Shacabka ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan adeegyada aasaasiga ah oo ka jirin gobolada iyo musuq-maasuq baahsan oo hareeyay xarumaha dowlada.

Qoysaska Ciraaq ayaa maalintii quuta in ka yar Lix doolar taasi oo aan ku filneyn, sida lagu muujiyay macluumaad ka soo baxay Baanka Aduunka.

Inkastoo dhibaatooyinkan ay jiraan ayaa hadane dalka Ciraaq wuxuu kaalinta Shanaad kaga jiraa wadamada dhoofiya saliida.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *