Puntland – Maraykanka oo duqeeyay askar ka tirsan Daacish

Published: October 26, 2019

Dagaalamayaasha Daacish

Taliska Maraykanka ee Soomaaliya ayaa howl-gal qorshaysan oo ka fuliyeen gobolka Bari gaar ahaan buuraleyda Golis, waxay ku sheegeen inay duqayn ay fulisay diyaaraha aan duliyaha lahayn ay ku dileen Saddex ruux oo ka tirsan ISIS.

”Buuraleyda Golis waa meel caan ku ah kooxaha argagixisada gaar ahaan ISIS” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay saraakiisha Mareykanka ee Africom.

AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalada noocan oo kale ah iyo duqeymaha cirka ee Mareykanka yihiin kuwo taageerro militari siinaya Dowladda Soomaaliya, si loo gumaado urur diimeedyada ka dagaalama Soomaaliya.

Maraykanku waxay cadeeyeen inuu kordhay weerarrada duqeymaha ee sanadkan 2019 ka dhacay Soomaaliya, waxayna ku shegeen ku dhawaad 55 weerar oo dhinaca cirka .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *