Taliska AFRICOM “Shabaab 20% waxay maamulaan dhulka Soomaaliya”

Published: October 26, 2019
Howl-galka AFRICOM

Agaasimaha Xiriirka dadweynaha taliska Mareykanka ee Afrika Chris Karns, oo wareysi siiyay idaacadda codka Mareykanka ee VOA, waxa uu sheegay in Al-shabaab ay hoos u dhigeen weeraradda ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Chirs waxa uu sheegay in Al-shabaab sanado ka hor ay maamuli jireen 95% ilaa 80% balse ay haatan maamulaan 20%, taasina ay sabab u tahay weeraradda ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay qaadaan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Mareykanka uu xoogga saaro tababarka ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan kumaandoosta loo yaqaanno DANAB oo uu sheegay in ay yihiin ciidan awooda in ay la dagaalamaan Al-shabaab.

Ciidamada DANAB ayaa howlgalo ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo Shabaab ay ku xoogan yihiin.

Dhamaadkii bishii aynu soo dhaafnay ayay Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhigga Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu Mareykanka saldhig ku leeyahay, waxayna sheegeen in ay dileen 12-askari.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *