Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo dhaliilay Madaxweynaha Puntland.

Published: October 26, 2019
Xildhibaan Dhoore, Daad iyo Xaraf.

Qaar ka mida Xildibaanada Puntland oo maanta banaanka baarlamaanka kula hadlay Warbaahinta ka dib markuu dhamaaday furitaanka kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa si kulul u dhaliilay sidii uu madaxweyne Deni ula dhaqmay Golaha Baarlamanka Puntland, waxay tilmaameen in madaxweynuhu uu tagay iyadoo aan la dhamayn suaalihii ay qabeen Xildhiibanadu.

Xildhibaan Cawil daad oo ahaa xildhibaanka keliya ee Madaxweyne Deni Wax su’aalay waxa uu sheegay in Madaxweyne Deni uu u hanjabay “ Dib ayaan isugu noqonaynaa, Madaxweynuhu wuu ii hajabay laakiin anagu dastuurka ayaan ugu hanjabaynaa” ayuu yiri Xildhibaan Daad. sidoo kale waxa uu tilmaamey in aysan koob biyo ah u kabanayn in ay xilka ka qaadaan.

Sidoo kale Xildhibaan Dhoore waxa uu sheegay in Madaxweyaha la dhaliilayo oo laxan iyo heeso loo qaadayn, mar wax laga waydiiyay in ay wadaan Mooshin waxa uu sheegay in uusan ogayn, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu cararay oo uusan fursadba-siin xildhibaanada.

Xildhibaan Xaraf oo dhankiisa ka mid ahaa Xildhibaanadii hadlay waxa uu xusay in Xildhibanadaan ay yihiin kuwa ka duwan kuwii hore, waxa uu tilmaamey in madaxweynuhu diiday in uu xisaabtamo ” Mudul ninkii dhisaa ka wayn, Wixii ugu badnaa ee sacab tumayay golaha wasiirada ayay ahaayeen oo dhaliilahooda la qarinayay” ayuu yirri xildhibaanku.

Xildhibaanada qaarkood waxay madaxweynaha ugu baaqeen in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka, oo uu ka qanciyo waxyaabaha ay shacabku tabanayaan, sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynaha xaq loogu lahaa in la waydiiyo suaalo kala duwan.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *