Dhibaato kala haysta kaluumeysatada Uganda iyo Kenya

Published: October 27, 2019

Kaluumeysatada ismaamulka Migori ayaa ka codsaday dowlada Kenya in ay difaacdo amnigooda iyadoo sanadkii ugu danbeeyay uu sii kordhayo xariga iyo ganaaxa ay kala kulmayaan booliska Uganda oo daris wadaag ay yihiin.

Arintaan ayaa timid kadib markii Sadex kaluumeysato oo Kenyan ah lagu xiray Jasiirada Yama ee dalka Uganda kadib markii laga qabtay maalintii Jimcaha iyaga oo ku guda jira howlahooda.

Balse dadaalo dheer kadib ayaa lagu sii daayay Sadexdan ruux lacag cadadeedu dhan tahay 35,000 oo Kenya ah una dhiganta $300 oo doolarka Mareykanka.

Sii deynta kaluumeysatadan ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka xeebaha ee Kibra Joel Maulidi.

Wuxuu intaa ku daray in dhaqaalo badan ay uga baxdo marwalba sii deynta kaluumeysatadan oo uu sheegay in booliska Uganda ay marwalba ka qabtaan harada Victoria ee gudaha Kenya

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *