Madaxweynaha dalka Chile oo kala diray Golihiisii Wasiirada

Published: October 27, 2019
Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñera

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñera ayaa lagu sheegay in kala diray dhammaan golihiisii wasiirada.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in sababtuu u kala diray Golahiisa wasiirada ay tahay si uu u soo dhiso dowlad cusub una sameeyo isbedelkii ay dalbadeen mudaaharaadayaasha.

”Dhammaan wasiiradayda waan war-geliyay si aan dib u habeyn ugu sameeyo golaha wasiirada anigoo ka duulayo sidii aan u wajihi lahaa dalabkan cusub”

Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñer

Weli ma cadda isbedelka iyo isku shaandheynta uu sameyni doono.

In ka badan Hal Milyan oo qof ayaa shalay ka soo qeyb gashay dibedbixii nabdoonaa ee lagu dhigay magaalada Santiago, kuwaasi oo dalbanayay in isbedel lagu sameeyo caddaaladda.

Mr Piñera ayaa sheegay inuu maqlay dalabka ka soo garaay waddoyinka magaala madaxda dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la qaaday bandoowgii toddobaad ka hor lagu soo rogay gebi ahaanba dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *