Masar – Duuliye sare oo shaqadii laga cayriyay

Published: October 27, 2019
Duuliyaha iyo Jilaaga

Duuliye diyaaradeed oo u dhashay dalka Masar ayaa laga mamnuucay inuu waligiis dambe diyaarad kaxeeyo ka dib markii uu jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Maxamed Ramadaan u fasaxay inuu la galo qeybta duuliyeyaasha, xilli ay ku jireen duullimaad ku wajahnaa waddanka Sacuudi Carabiya.

Jilaagan Maxamed Ramadaan oo sidoo kalana fannaanka ah ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya isagoo gacmaha ku haya qalabka laga wado diyaaradda, halka qof kalena uu leeyahay, “Hadda isaga ayaa diyaaradda wada”.

Duuliyihii diyaaraddaas ayaa lagala noqday shatiga, kaasoo aan waligiis dambe dib loo siin doonin, halka kaaliyihii duuliyaha ee diyaaraddaas la socdayna lagu ganaaxay mamnuucis hal sano ah.

Diyaaradda khaaska ahayd ee duullimaadkaas sameyneysay ayaan magaceeda wali la shaacinin.

Wasaaradda duulista hawada ee dalka Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku tidhi: “Kadib markii aan xaqiijinnay xadgudub ka dhan ah shuruucda duulista hawada ee Masar, waxaan tallaabo aan shatiga ugala noqonnay ka qaadnay [duuliyaha qeyrul-mas’uulka ah ee howshiisa gabay], sida ay shaacisay warbaahinta Masraawi.

Amniga dhinaca duulista ee Masar waa mid lama taabtaan ah, ayey hadalkeeda sii raacisay wasaaraddu.

ISha – BBCSomalia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *