Muqdisho:Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga

Published: October 27, 2019

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

“Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *