Soomaaliya – Golaha Aqalka Sare oo ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiima

Published: October 27, 2019
Gudoonka Aqalka Sare

Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa kulankooda maanta la filayaa inay uga doodi doonaan ajandayaal iyo hindise sharciyeedyo muhiim ah.

Ajendayaasha lagu wado inay ka doodaan mudanayaashu waxaa kamid ah  Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Shidaalka ama Batroolka iyo Akhrinta Saddexaad Sharciga Xaquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Sharciyada ayaa maalinnimadii Khamiista waxaa la mariyay akhrinta 2-aad ee hindise-Sharciyeedka dakhliga Guud ee Qaranka, sidoo kalena ansixiyay  xubin cusub oo kamid noqaneeysa guddiga madaxa- bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *