Maraykanka oo sheegay inay dileen hogaamiyihii Daacish Baqdadi

Published: October 28, 2019

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ay xiligan heystaan xiisado siyaasadeed oo ka jira gudaha dalkiisa ayaa xalay ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen hawlgal militari oo ay ciidamadooda ka fuliyeen waqooyiga dalka Siiriya, weerarkaasi oo lagu dilay hogaamiyihii kooxda ISIS Abu Bakar Al Baqdadi oo muddo dheer dhuumaaleysi ku jiray.

Trump ayaa sheegay in hawlgalkan uu ka dhacay gobalka Idlib ee waqooyi-galbeed dalka Siiriya, dhulkaasi oo ah goobaha ay ka taliyaan xoogaga Mucaaridka hubeysan oo ay ku jiraan kuwa hoos taga kooxda Al Qacida, arrintaasi oo la yaab noqotay maadaama uu dagaal adag u dhaxeeyo kooxaha ISIS iyo AL Qacida.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in weerarkan ay gacan kasiiyeen ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya oo ogolaaday in diyaaradaha Maraykanka ay adeegsadeen hawada ay ciidamadaasi ilaaliyaan ee dalka Siiriya, hase yeeshee war saaka kasoo baxay Ruushka ayaa lagu sheegay inaysan waxna kala socon weerarkan.

Turkiga ayaa soo dhaweeyey hawlgalkan, maadaama gobalka Idlib uu yahay mid saaran xadka dalka Turkiga, waxaana gobalkaasi ku sugan ciidamo ka socda Turkida, waxaana hada su’aalo la iska weydiinayaa cida ama kooxda ku sugan Idlib ee gabaadka siisay Baqdadi.

Dhinaca kale xogta kasoo baxday Maraykanka ayaa iskhilaafaya iyagoo sheegay in Baqdadi iyo qaar kamid ah qoyskiisa lagu dilay weerarkan.

Donald Trump ayaa sheegay in Baqdaadi uu isqarxiyey intuu dagaalka socday, isagoo ku dhex jira God dhulka hoostiisa ah uuna ku dumay godkaasi, qaraxaasna ku dhinteen sadex kamid ah caruurtiisa, Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa sidoo kale sheegay in meydka Baqdaadi ay baaritaan ku sameeyeen oo cadeeyeen inuu isaga yahay isla markaana ay badda ku aasi doonaan.

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa sheegay in 11 kale oo kamid ah caruurta Baqdaadi oo dhaawacyo soo gaareen lagu wareejiyey dad kale oo uusan carbaabin.

Muuqaalo laga soo duubay goobtii uu hawlgalka ka dhacay ayaa muujinaya in guryihii goobtaasi ku yaal ay gebi ahaan burbureen kadib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo hawlgalkaasi ka qeyb qaatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *