Hay’ado Kaalo oo tababar looga hadlayo ka hortagga tacadiyadda ku qabatay Magaalada Boosaaso.

Published: October 29, 2019

Hay’ada Kaalo ayaa Magaalada Boosaaso ka furtay kulan wacyogelin ah oo ku saabsan ka hortaga tacadiyada ku salaysan jinsiga ( SGBV ), kaasi oo ujedadiisu tahay in la baro ka qaybagalayaasha , waxayna baran donan ka faaidaystayaashu qaababka loo sameeyo la talinta dhibanayaasha.
54 Qof oo isugu jirra haween, qaxooti, Nabadoono iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka faaidaystay, waxaana maal-gelinayay Hay’ada UNHCR, Furitankii kulanka waxaa ka hadlay Madaxa wakiilka Hay’ada KAALO Boosaaso Mudane Cabdicasiis Siciid Maxamed wuxuuna ku Booriyey ka qayb-galayaasha in ay ka Faaidaystaan Wacyigelinta ayna qataan dorkooda ku aadan ka hortaga Tacadiyada.

Waxaa si rasmi ah u furay kulanka ]wakiilka Wasaarada Haweenka ee Gobolka Bari Shamis Bulxan waxayna u mahad-celisey Hay’ada Kaalo waxay sheegtay in kulkaan uu ahmiyad gaar u leeyahay, xilligana ay lagama maarmaan tahay in la oggaado ahmiyada ay leedaha ka hortaga tacadiyadda jinsigga.


Dhankiisa Nabadoon Warsame Aadan Salax ayaa Hay’ada Kaalo ku booriyay shaqada wanaagsan ee ay u hayso dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ah, dhaka kale waxa uu ku baaqay in lagu dadaalo sidii loo joojin lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Jinsigga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *