Ra’isul Wasaaraha Lubnaan oo Ku Dhawaaqay Inuu Xilka Ka Degayo

Published: October 29, 2019

Kadib Labo toddobaad oo mudaharaadyo ay ka socdeen dalkaasi Lubnaan ayaa Ra’isul Wasaare Sacad Xariir wuxuu ku dhawaaqay inuu Xilka ka degayo, islamarkaana uu iscasilaadiisa u gudbin doono madaxweynaha dalkaasi Michael Coon.

Shacabka Lubnaan ayaa ka mudharaadayay musuqmaasuqa iyo dhaqaalaha dalkaasi oo sii xumaanaya iyadoo dalkaasi uu ka mid yahay wadamada deynta ugu badan lagu leeyahay adduunka.

Muddo 10 Maalmood ah waxaa xirnaa Bangiyadii, Xarumihii dowladda, jaamacadihii, Iskooladii iyo wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda dalkaasi Lubnaan ee Bayrtuut,

Ra’isul wasaaraha oo khudbad jeediyay waxaa uu qirtay inuu ku guuldaraystay iskuday uu ku doonayay inuu xaliyo dhibaatada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalkaasi ku habsatay, waxaana uu sheegay inuu soo taabtay dhamaadka.

” 13 Maalmood, shacabka lubnaan waxay sugayeen xal siyaasadeed oo lagu joojiyo xaalada sii xumaanaysa ee dalka, waxaan isku dayay inaan wado looga baxa dhibaatada, hase yeeshee waa ku guuldaraysay” ayuu yiri Ra’isul wasaare Sacad Xariiri

Madaxweynaha Lubnaan oo ayaan weli ka hadlin go’aanka iscasilaada ee Ra’isul Wasaare Xariiri, sidoo kale waxaan weli war ka soo sarin Maleeshiyaadka Xisbul laah oo awood badan ku leh dowladda isbahaysiga ah ee uu hoggaaminayay Sacad Xariiri

Mudaharaadayaasha ayaa sheegay inay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Golaha Wasiirada oo ay doonayaan in dhamaantood is casilaan, awoodana lagu wareejiyo Guddi Garsoorayaal madax-banaan oo xilka siihaya inta ay dhaceyso doorasho guud.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *