Wasiirkii Hore ee Dastuurka Puntland oo loo magacaaaby Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha

Safiir Cabdifataax Caynab

Wasiirka Arimaha Dibadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Cabdifataax Caynab Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo dimuqraadiyadda Puntland u magacaabay Safiirka Dawlada Soomaaliya u fadhiya Dalka China.

Cabdifataax Caynab ayaa ka hor inta uusan wasiirka noqon waxa uu muddo ka shaqaynayay wasaarada Arimaha dibadda, dawlada Federaalka ah ayaa mudooyinkii magacaabaysay safiiro kala duwan.