Culumada Puntland oo Gargaar Lacageed Gaarsiinaya Beledweyne (DAAWO)

Published: October 30, 2019

Culumada Soomaaliyeed ee reer Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Garoowe waxay kaga dhawaaqeen inay gargaar lacageed ay gaarsiin doonaan dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaada webiga shabeele ee Magaaladda Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Lacagta culumadu ay ku deeqeen ayaa cadadkeedu dhan yahay $164,000 (Boqol lixdan iyo Afar kun oo doolar) oo ka hartay lacagihii loo aruuriyay Abaartii SIMA ee dhacday puntland sanadkii 2017.

Culumadu waxay sheegeen inay ka jawaabeen baaqii madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in loo gurmado shacabka gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas. ilaa 20 qof ayaa ku geeriyooday fatahaada webiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *