Deni: Dad baa Doonaya inaan Lacagta Iska Faraqno oo Waxaysan lahayn Raba [DAAWO]

Published: October 30, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wajahayso waxa uu ugu yeeray cadow aan muuqaan oo doonayo inay fashiliyaan nidaamka maaliyadeed ee xukuumadiisa.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabad xariga looga jarayay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble ee Qardho ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo xukuumadihii hore lacago ka qaadan jiray oo doonayo in sidii hore wax kastaa ahaadaan.

” Dad badan baa hadda waxay doonayaan inaan wax ka bedelno nidaamka maaliyadeed oo aan lacagta iska faraqno oo dad aan xaq u lahayn inaanu siino, Puntland ma aha dowlad cayr bixisa

Wuxuu sheegay in dadka intiisa badan ay bogaadiyeen waxqabadka xukuumadiisu ay ku tallaabsatay mudadii ay jirtay haseyeeshee cadowga xukuumadiisa ay ku dhexjiraan bulshada iyo Ciidamada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *