Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay fatahaadaha Soomaaliya

Published: October 30, 2019

Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fatahaadahaas, isla markaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi.

Gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ugu horeyso Beledweyne ayaa lagu sheegtay warbixinta wasaaradda in ay si hufan uga qeyb qaadanayso dowladda Turkiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *