Howl-galo ciidan oo ka socda degmada Awdheegle

Published: October 30, 2019
Image result for Awdheegle

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle iyo deegaano hoos yimaada ayaa sheegaya in ciidamada dowladda halkaasi ay ka wadaan howl-gal xoogan.

Cutub katirsan ciidamada Danab ayaa saakay la sheegay inay u ruuqaan sadeen deegaano hoostaga degmada Awdheegle, halkaasi oo la shaagay iney ka wadaan howl-galo qorsheysan.

Sarkaal katirsan xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada howl-galo ay ka wadaan deegaano hoos yimaada Awdheegle oo looga shakisan yahay inay joogaan xubno katirsan Al Shabaab.

Wuxuu sido kale sheegay ujeedka inuu yahay ciidamada inay gaaraan deegaano hor leh oo gacanta uga jiro garabka Al- Qaacida ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *