Madaxweyne Waare ” 90% magaalada Beledweyne biyaha ayaa ka kormaray “

Published: October 30, 2019
Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Boqolkiiba Sagaashan magaalada Beledweyne ay biyuhu ka sara mareen.y

Waare ayaa ka qeybgalay aaska Shan ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay biyaha Wabiga kaddib markii la rogmatay doon ay la socdeen bartamaha magaalada.

”Anniga waan garran karaa, Fatahaaddan oo kale waxaa lagu qiyaasi jiray in 50kii sano mar ay dhacaan, laakiin in ay labo sano iska soo daba-noqoto mid ah wax caadi ah, arintan waxey u baahan tahay talo, shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa laga wada hadlay in arintan qorshe laga yeesho gaar ahaan maamulka Wabiga marka uu Soomaaliya soo galo ilaa Itoobiya”

ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Muuqaal dusha sare laga qaaday magaalada in gabi ahaanba magaalada ay siman yihiin biyaha oo meel bannaan aysan jirin, taasoo muujineysa in fatahaaddani tahay tii ugu xoogga badneyd ee soo marta  Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo beesha caalamka marka laga soo tago kaalmada iyo gargaarka Bani’aadanimo loo baahan yahay in qorshe iyo go’aan mideysan laga qaato in mar kale sidan oo kale aysan dhicin, maraana loo helo Fatahaaddaha is daba jooga ah ee ku dhufta magaalada. 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *