Mashruuc Koronto Lagaga Dhalinayo Tamarta Cadceedda oo Hargaysa Laga Daahfuray

Published: October 30, 2019

Magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland waxaa maanta lagu daahfuray mashruuc ballaaran oo ay leedahay shirkadda SOMPOWER, kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda.

Mashruucan oo laga hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka Axsaabta qaranka, saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxa shirkadda SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka mashruucan ka hadlay waxaa uu sheegay in Mashruucan uu socday muddo laba sanno iyo bar socday, kaasi oo laga dhalinayo koronto awooddeedu gaadhsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat), islamarkaana daboolaya 80% (boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee caasimadda Hargeysa taalla, waxana ku baxday ayuu yiri lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa iyaguna dhankooda hambalyeeyey shirkadda mashruucan hirgelisay ee SOMPOWER, waxana ay ku adkeeyeen inay hoos u dhigaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan, maadaama oo uu hoos u dhacay kharashkii shirkad ahaan kaga bixi jirey dab-dhalintu.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

“Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *