Muqdisho – Gudoomiye degmo oo xabsi daa’in lagu xukumay [ Muqaal ]

Published: October 30, 2019

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday eedaysanayaal loo haysto inay ku lug lahaayeen qarax bishii April ee sanadkan lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii dagmada Maxaas Rashiid Cusmaan Cabdi.

Guddoomiyihii hore degmada Maxaas C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka guddoomiye ku-xigeenkiisa ayaa lagu xukumay xabsi daa’in,sidoo kale Maxkamadda ayaa isagoo maqan waxay dil toogasho ku xukuntay Cali Axmed Guure (Qoyane) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa dil toogasho lagu xukumay Nuur Ibraahim Mahad Alle oo isna Maxkamadda ku heshay inuu ahaa ninkii goobta keenay qaraxii uu ku dhintay guddoomiye ku-xigeenkii Maxaas.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhageysiga dacwadaas, waxayna noqotay mid ka mid ah dacwadihii ugu yaabka badnaa ee ay qaado, maadaama Maxkamadda la horkeenay guddoomiye degmo oo ku lug yeeshay dilka guddoomiye ku-xigeenkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *