QM oo ka digtay khatar ku soo wajahan Somaliland iyo Puntland

Published: October 30, 2019

Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cunnada  ayaa ka digtay duufaan ku soo wajahan gobolada woqooyi iyo kuwa bari ee Soomaaliya, mudddo sanad ah ka dib duufaantii saqar ee bur-burka ka geysatay geeska Africa.

Saadaal ay sameysay FAO ayey ku sheegtay in duufaantaas oo lagu magic daray Kyarr loo malaynayo in ay la timaado dabaylo awood leh iyo roob, kuwaas oo sameyn ku reebi doona Puntland iyo Somaliland.

“ Duufaanta Kyarr ayaa kusoo dhawaaneysay Woqooyiga Badweynta Hindiya waxaana la filayaa in 4-ta ilaa 5-ta maalmood ee soo socda ay saameyso inta ugu badan ee Puntland iyo Somaliland”

ayuu lagu yiri digniinta FAO.

Waxaa ay duufaantu ku hormari doontaa deegaanadda Puntland 96-da saac ee soo aadan, 24 sac kadibna waxay u jaheysan doontaa Somaliland.

Duufaantu waa ay adagtahay waxyna roob badantahay, hey’adaha caaalamiga ah ayaana ku talinaya in loo diyaar garoobo sidii looga jawaaabilaha qaylo dhaanta dadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *